Dadka araga daciifka ah leh ee Swiidhan jooga

Haddii aad hadda timid iyo haddii aad halkan dhowr sanno deganeydba waxaad marmar u baahan kartaa talo iyo taageero iyo inaad la kulanto dadka ku jira xaaladaada oo kale.

Synskadades Riksförbund (SRF) waxay ka shaqeysaa in si ka badan bulshada looga qeyb qaato. Waxaanu nahayurur sammo fal. Kuma xidhnin urur siyaasadeed ama diin toona. Waxaanu ka shidaal qaadanaa waa xuquuqda aadmaha.

SRF waxay kaa caawin kartaa waxyaalahan

• Macluumaad ku sabsan bulshada Swiidhishka
• Talooyin meesha aad ka raadsaneyso caawimad waxaraga
• Xidhiidhka qof ku caawiya oo ku hadla luqadaada

Xubin ahaan waxa xataa laguu soo bandhigayaa

Inaad la kulanto dadka sidaada oo kale araga daciifka ah leh.
Kaalmada sharciga
Koorsooyin dadka waawey ah iyo xeryaha loogu talo galay carruurta
Koorsooyinka farta indhoolka
Qiimo dhimis xubnaha iyo waxyaalo kale oo dheeraad ah.
Waxa SRF ka mid ah shan urur oo faracyo ah kuwaas oo ay wadaan dad ka soo jeeda ajaanib.

Telefoonka: 08-39 90 00, emayl: info@srf.nu.

Ku soo dhawow xubin ahaan Ururka qaranka ee dadka aragtida daciifka! (Synskadades Riksförbund)

Share